Xoghayihii hore ee UN-ka Boutros Boutros-Ghali oo geeriyooday

Boutros Boutros-Ghali oo u dhashay dalka Masar ayaa ahaa 93 sano jir wuxuuna ahaa Xoghayihii ugu horeeyey ee Qaramada Midoobay ee kasoo jeeda Qaarada Afrika.

Xoghayihii hore Boutros Boutros-Ghali ayaa dhashay sanadkii 1922, wuxuuna waxbarashadiisa kusoo qaatay dalka Masar iyo waliba wadanka France, wuxuuna ahaa khabiir ku takhasusay dhanka Sharuucda Caalamiga ah.

Boutros-Ghali ayaa noqday Xoghayihii 6aad ee Qaramada Midoobay ayaa xilka hayey intii u dhaxeysay 1992dii illaa dhamaadkii 1996dii.

Wuxuuna intii uu xilka hayey kusoo beegmay xili caalamka ay ka socdeen dagaalo badan gaar ahaan dagaalkii Sokeeye ee Soomaaliya.

Boutros Boutros Ghali SoomaaliyaMas’uulkan hore ayaa kaalin weyn ku lahaa ciidamadii Qaramada Midoobay ee la keenay koonfurta Soomaaliya, walow hawlgalkaasi uu markii danbe fashilay.

Wuxuu sidoo kale Boutros Boutros-Ghali kusoo beegmay xili ay socdeen dagaaladii Angola, Yoguslafiya iyo Xasuuqii ka dhacay dalka Rwanda.

Axmed Musse

Comments

comments

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *