Xildhibaanada Aqalka sare ayaa maanta isku raacay in gudi loo saaro Werarkii lagu qaday guriga xil.Cabdi Qeybdiid

Xildhibaanada Aqalka sare ee baarlamaanka Dowlada fedralka ah ee somaliya oo manta yeeshay kalfadhigoodii sadexd kulankoodii kowaad ayaa maanta ka Dooday  weerarkii lagu qaaday Guriga uu senetor cabdi xasan cawaale Qeybdiid ka degan yahay magaalada muqdisho.

kulankan oo qadatay saacado ayaa ugu dambeyntii xildhibaanada aqalka sare ay soo jediyeen in  gudi loo saaro werarki lagu qaday guriga xildhibaanka madaama oo uu sheegay xildhibaan cabdi qeybdiid inaanu ku qanacsaneyn Gudigii uu madaxweyne Farmaajo uu u xil saaray kiiskiisa.

kulanka waxa soo xaadiray 28 xildhibaan kuwaasi oo 23 xildhibaan  oo ka mid ah ay u codeyeen in gudi loo saaro  4 ka mid ahna ay ucodeyeen in Ra’isul wasaaraha loo yeero halka hal Xildhibaan uu ka aamusay.

xildhibaanad Aqalka sare ee somaliya ayaa sidoo kale waxay ka doodayaan xeerkii uu shalay soo saaray golaha shacabka kaasi oo dalka lagag mamnuucayey shirkada Dp world.

Ali suleiman

somaliswiss.com

Comments

comments

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *