Xildhibaan Odawaa Oo xal u raadinaya Galmudug

C/raxmaan Maxamed Xuseen (Odawaa) wasiirkii hore ee arrimaha gudaha Soomaaliya, haatana ah Xildhibaan ka tirsan Golaha Shacabka ayaa sheegay in dadaallo lagu dhameynayo khilaafka Galmudug uu ka wado maamulkaasi.

Xildhibaan Odawaa oo ku sugan magaalada Dhuusomareeb ee xarunta gobolka Galgaduud ayaa xusay in labada garab ee Galmudug uu u dhexeeyo isfaham waa xoogan, balse uu ku dadaali doono, sidii loo dhameyn lahaa arrintaasi.

Sidoo kale waxa uu intaasi ku daray in loo baahan yahay in la samata bixiyo Galmudug oo in muddo ah uu hareeyay khilaaf xoogan.

Xaaladda Galmudug ayaa weli cakiran, iyadoona uu maamulku u kala jabay laba garab oo fadhiyadoodu ay kala yihihiin magaalooyinka Cadaado iyo Dhuusomareeb gobolka Galgaduud ee bartamaha Soomaaliya.

Source. Radisoshabelle.com

Comments

comments

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *