wasiirka maliyada somaliya oo wada qorshe Soomaaliya lacag cusub loogu sameynaayo

Mudane C/raxmaan Ducaale Bayle wasiirka wasarada maaliyada ee xukumada fedralka ah ee somaliya oo ku sugan dalka maraykanka ayaa khudbad ku saabsan  fursadaha maal gashi ee ka banaan somaliya ka jeediyey jaamacadda Caalamiga ah ee Harvod.

wasiir Beyle ayaa sheegay inay somaliya samaysay hanan hufan oo dhaqaale  taasi oo suura gelinaysa in lacagaha deymaha ee somaliya lagu leeyahay laga cafiyo.

Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa kulamo la qaadanaya Madaxda Hay’adda lacagta aduunka IMF iyo Banka aduunka wuxuna u bandhigay hananka maaliyadeed ee somaliya iyo isbedelada ay samaysay wasarad maliyad ee uu madaxda ka yahay,sidoo kale wuxu kala hadalay masuliyiinta uu la kulmay sidi somaliya looga saacidi lahaa dib usoo kabashada dalka  iyo sidii looga cafiyi lahaa lacagaha deymaha ah.

dhanka kale wasiir C/raxmaan Ducaale Bayle kala hadlay madaxda Bankiga aduunka iyo IMF  sidii loo dadejin lahaa qorshaha samaynta lacag cusub oo Soomaaliya yeelato, taas oo Wasaaradda Maaliyaddu doonayso in la hirgaliyo sanadkan 2018-da.

Ali suleiman

somaliswiss.com

Comments

comments

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *