Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada Soomaaliya oo la kulamay jaliyada ku nool Turkeyga

Mudane Maxamed Cabdullaahi Salaad (Oomaar) Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada Soomaaliya oo booqasho ku jooga dalka Turkyga ayaa kulamo la qaatay madaxda jaaliyada somaliyed iyo qarka mida shacabka somaliyeed ee ku dhaqan dalka Turkeyga.

wasiirka iyo weftigiis waxa si balaadhan ugu soo dhaweeyey magaalada Istanbuul madaxda jaliyada somaliyeed ee ku nool dalka turkeyga iyo qaybaha kala duwan ee shacabka.

Gudomiyaha jaaliyada somaliyeed ee dalka Turkeyga aya muujiyey sida ay ugu faraxsan yihiin booqashada wasiirka wuxuna sheegay in ay diyaar u yihiin inay la shaqeyaan Dowlada somaliya.

Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Salaad (Oomaar) ayaa sheegay in ay arin wanaagsan tahay isku xidhananta shacabka somalliyeed ee ku nool dalka turkeyga wuxuna kula dardarmay inay dowada somaliya is garab tagaan.

Ali suleiman

somaliswiss.com

 

Comments

comments

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *