Switzerland oo Malaayiin ku bixisay dib u celinta Qaxootiga

Dib u celinta Qaxootiga Magangalyadooda la diiday ee dalkaan Switzerland waxaa ku baxday Lacag kor u dhaafaysa CHF8.5 million lacagta dalkaan Switzerland sanadkii tagay ee 2014.

Lacagaha Xoogeeda oo ku  baxday dad codsigooda la diiday kuwaas oo lagu qaaday 41 Duulimaad oo u badnaa dad diidaa in dadka laga saaro balse Switzerland garatay in dalalka ay ka yimaadeen Nabdoonyihiin.

Qaxootiga Sanadkii tagay ayaa gaarayay 8,590 halka sanadkii horeeyay ee 2013 lagu sheegay 12,000 oo ruux ,  2,444  waxa ay ahaayeen kuwa is kood iskaga laabtay halka 6,146 Booliska u qaadeen Airporka ka dibna loo duuliyay  dalalka ay ka yimaadeen.

nin u dhashay dalka Nageria ayaa geeryooday 2010 xili laga duulinayay Garoonka Caalamiga ah ee Magaalada Zurich halkaas oo ay ka qaadi lahayd diyaarad gaar ah taas oo gayn lahayd Magaalada Lagos Nageria

252 Ruux oo Magangalayadoon ah ayaa la celshay sanadkaan 2014 kuwaas oo ay ku baxday lacag gaaraysa  CHF2.8 million lacagta Swisska Ah sida ay Faafisay Wasaarada Socdaalka ee Switzerland.

Somaliswiss.com

Somali Media in Switzerland

 

 

Comments

comments

One thought on “Switzerland oo Malaayiin ku bixisay dib u celinta Qaxootiga

  1. xaya kumalah

    asc waxa la rabaa war sugan uu shego goobdon lakin wax lo so yeriyay in qof london jogto u so xariga mid warbahinta mel loga dhacay swiss dadka ku nol wax badan oo beena dhagahoda ku so dhaco ama ay maqlan arkay gudoomiyaha jaliyada swiss an ahay hataa waa la maqlay tasna wa tusale benta ka mid tahay ben sheg ma xuma lakin gudomiyan ahay iyo war an fasirkisu sax ahayn loma bahna gobdon joji plz meel lagu doortay ma jirto waxii dhaco wa korkada warka qarna dad swiss ah aya la socdo ogow arintan .

    Reply

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Top