Shirka Madaxda Maamul Gobaleedyada oo maanta Baydhabo ka furmaya.

Magaalada Baydhabo ee xarunta gobalka Baay  islamarkaasina xarun  u ah maamulka koonfur galbeed somaliya ayaa manta waxa si rasmi ah uga furmay shirka madaxeedka maamul goboleedyada somaliya.

kulankan ayaa waxa ka soo qayb galay madaxweynayaasha dowlada goboleedyada oo kala ah Madaxweynaha Puntland mudane  C/wali Maxamed Cali Gaas, Madaxweynaha Jubbaland mudane Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe), Madaxeynaha Galmudug mudane  Axmed Ducaalle Geelle (Xaaf), Madaxweynaha Hirshabeelle mudane Maxamed Cabdi Waare iyo Madaxweyne Shariif Xasan  madaxweynaha koonfur galbeed oo isagu shirka marti gelinaya.

shirka sidoo kale waxa qayb ka ah xildhibaano iyo wasiiro ka kala socda maamul goboleedyada somaliya,shirkan ayaa waxa diirada lagu saraya arimo dhowr ah oo ay ka mid yihiin xalada siyasadeed ee dalku marayo dhinacyada amniga iyo horumarka.

Amaanka magaalada baydhabo ayaa si aad ah loo adkeyey waxaana  xeryaha ciidamada  laga soo saaray ciidamo cusub, kuwaasi oo la dhigay wadooyinka iyo xarunta shirka lagu qabanayo, si ay uga hortagaan arbashado ku lid ah amniga oo dhaca intuu kulanku socdo kulanka.

Ali suleiman

somaliswiss.com

Comments

comments

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *