Shirka Jaamacada Carabta oo maanta ka furmaya magaalada Dammaam ee sacuudiga

Magalada Dammaam ee dalka sacuudiga waxa maata oo Axad  ah lagu wadaa nuu ka furo shir madxeedkii 29-aad ee wadamada ku midoobay ururka jaamacada carabta.

shirkan ayaa sanadka waxa diirada lagu saarayaa arimo badan oo ay ka mid yihiin Qadiyda shacabka Falastiin,Dagalka lagula jiro argagixisada iyo xiisadaha ka taagan Dalalka suuriya,Yeman iyo Liibiya,iyada oo ay dalalka carabtu ay si qotodheer uga doodi doonaan xal u helida dhibaatooyinka haysta dalalka xubnaha ka ah Ururka jamacada carabta.

Dhanka kalena madaxweynaha Dowlada Fedralka ah ee somaliya Mudane Maxamed cabdilaahi Farmaajo iyo wefti balaadhan oo uu hogaaminayo ayaa shalay gaadhay magaalada Dammaam ee dalka sacuudiga si uu ug qayb galo shirk jamacada carabta.

Madaxweyne farmajo ayaa la filayaa inuu shirka ka jeediyo khudbad ku saabsan xalada somaliya ee dhinacayada amniga iyo dib u dhiska dalka .

Ali suleiman

somaliswiss.com

Comments

comments

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *