Shirka Amniga Qaranka oo si rasmi ah uga furmay magalada muqdisho

Madaxweynaha Dowlada fedralka ah ee somaliya Mudane Maxamed C/laahi  Farmaajo ayaa manta si rasmi ah u furay shirka golaha amniga Qaranka oo maalmihii udanbeyey la sugayey inuu furmo.

kulankan oo ka qabsoomay xarunta madaxtooyada ee Villa Soomaaliya waxa shir gudoomina madaxweynaha somaliya mudane Farmaajo,waxana ka soo qayb galay dhamaanba madaxda maamul goboleedyada,raysal wasaraha somaliya Xasan Cali Khayre,qaar kamida xubnaha golaha wasiirada,gudomiyaha gobalka Banaadir Eng yariisow , Lataliyeyaasha Madaxweynaha iyo Masuuliyiin kale.

Inta uu shirku socdo waxa si weyn diirada loogu sarayaa xalada amanka ee somaliya,sidii loo dhisi lahaa ciidamo isku dhaf ah oo ay somaliya yeelato,qaabka ay udhici doonto doorasho hal qof iyo hal cod ah oo somaliya ka qabsoonta 2020ka.

www.somaliswiss.com

Ali suleiman

Comments

comments

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *