Shacabka Muqdisho oo loo samaynayo Adeeg caafimaad oo bilaasha ah sanad guurada farmaajo darteed

maanta oo ah 8 feb wax beegan sanad guurdii ka soo wareegtay maalintii la doortay Madxweynaha Dowlad Fedralka  ah ee somaliya Mudane Maxamed C/laahi Farmaayo  waxa magalad Muqdisho ka socda hawlo sama fal oo gargaar cafimaad oo lacag la aan ah loogu fidinaayo dadka danyarta ah laguna xusayo sanad guurada xukumada Farmaajo .

Taandhooyin waaweyn ayaa laga taagay dhinacayad wadooyinka qaarkood oo lagu xardhay sawirka iyo magaca madaxweynaha somaliya ee farmaajo waxana ku sugan kalkaaliyeyaal caafimaad iyo Dhakhaatir  ku waasi oo dadka dan yarta ah u samaynaya Adeegyo caafimaad oo lacag la an ah.

Dadka ka faidaysanaya baadhitaanad caafimad ee lacag la anta ah ayaa isugu jir dadka danyarta ah,kuwa laxaadka naafo ka ah  iyo kuwa waayeel ah kuwaasi oo aan awoodin baadhitaanad cafimaad ee cisbitaalad magaalad muqdisho.

Dowlada somaliya ayaa gebi ahaanba joojisay in la qabto xaflado loogu debaal degaayo sanad guuradii kowaad ee ka soo wareegtay markii la doortay madaxweynaha somaliya Mudane Maxamed C/laahi Farmaajo.

www.somaliswiss.com

Ali suleiman

Comments

comments

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *