Sawiro: Gudoomiyaha Xisbiga Daljir oo la kulmay Soomaalida Switzerland

jaaliyada Soomaaliyeed ee ku dhaqan dalkaan Switzerland  ayaa xala Xaflad balaaran oo soo dhaweyn ah u sameeyay Xildhibaan Xasan Macalin Maxamuud  oo ah Gudoomiyaha Xisbiga Daljir munaasabada oo ka dhacay magaalda St. Gallen ee bariga Switzerland.

Munaasabada soo dhaweyna Xildhibaan Xasan Macalin waxaa Khudbada kooban ka jeediyay Qaar ka tirsan Madaxda Jaaliyadaha Soomaaliyeed sida Jaaliyada St. Gallen, Zuirich  zug iyo Aarau qaar ka tirsan wax garadka Soomaaliyeed ee ka qeyb galay xaflada.

Xildhibaan Xasan Macalin oo socdaal ku soo maray  qaar ka tirsan dalalka Yurub waxa uu sheegay in safarkiisu uu la xiriiro sidii uu wax uga ogaan lahaa fikradaha ay ka qabaan bulshada soomaaliyeed ee ku dhaqan dalkaan Switzerland samaynta Xisbiyada siyaasadeed ee dalka Soomaaliyeed.

Bashiir Nafaqo 4Bashiir Nafaqo 7Bashiir Nafaqo  6Bashiir NafaqoBashiir Nafaqo 5

Somaliswiss.com

Somali Media in Switzerland

 

 

 

 

 

Comments

comments

2 thoughts on “Sawiro: Gudoomiyaha Xisbiga Daljir oo la kulmay Soomaalida Switzerland

  1. wacyigelin

    Xassan Macallin waa gacan ku dhiigle ka danbeeyay dilkiii nabaddoon Cabdi Macallin. Marka waxaa loo baahanyahay in lagu qaado sharciga. Asaga, Ugaaska, Iimaan Jimcaale iyo rag kale oo ka mid ah ayaa ka danbeeyay dilkii nabaddoonka. Xassan Macallin wuxuu ku fikiriyey inuu afduubo siyaasadda beesha taas darteed ayuu uga takhalusay odayga dabadeedan Iimaan si faalso ah ugu dhiibay maamulka si uu u meelmariyo wixii uu doono. Armuuba asagu dilay niman uu sheeegayaba maadaama uu caada ka dhigtay inuu dilo ninkii kasoo horjeesta.

    Midnimada waanu jecelnahay iyo inaan nabad ku waarno
    Murusade rag baase ka macaashoo cuna hilibka dadkooda
    Markaasay aabe tiraan ilmaha ay abtiga u yihiine
    markaasay dulmi iyo dibin daabyo dadka kala dhex dhigaane
    markaasay umaddu cuqdad iyo mixnad ku kala guurtaaye

    Macna lama laha iyga taasi oo meel kalaa u muuqata’e
    Mmacbuudka kama baqaan maankoodunaku eg martabad uune
    Murusadoo dhan milyan ayay siisan hadii soo meersha la yiraahdo
    maalinba meeshi wax ka jiraan ayay marada dhigtaane
    Meelahaas ayay baqtiga dafaqsadaan sidii dukihiiye

    Marxuumkii ay dileen miyaad wax ka waydiiseen
    Meel kasta ay ugu shireen miyaad su’aasheen
    Mise been ayaan isku maaweelinaa iyo walaaltinimo muzawar ah
    Musuq maasuq waa waxaad meel la gaari wayseene
    Meeshiina uun iska jooga markay ummaddu horuu socoto

    Reply

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Top