Sawiro: Fanaaniin ku Bahoobay Daryeel Band dalkaan Switzerland

Kooxda Daryeel Band oo ay ku midaysnyihiin Fanaaniinta Soomaaliyeed ee ku dhaqan Gobolada Basel, Zürich, Glarus iyo Ticino ayaa looga dhawaaqay Sabtidii hore 14.bishaan Febaraayo Magaalada Basel ee dalkaan Switzerland.

Fanaaniint ku bahoobay Daryeel Band waxa ay sheegeen in bulshada Soomaaliyeed ee ku dhaqan dlkaan Switzerland ka haqabtiri doonaan heeso, Madadaalo iyo Ruwaayado ay jilayaal Fanaaniinta Daryeel Band.

Daryeel Band Qorshooyinka Sanadkaan waxaa ka mid ah wacdaro ay ka dhigi doonaan Maalinta Qaxootiga (20.06.2015) oo ka dhaacysa Gobolka Basel kuna muujinayaan hidaha iyo dhaqanka Soomaaliyeed.

05.09.2015 waxay Daryeel Band ku soo bandhigi doonaan Heeso iyo Ruwaayado Konkoreeskii ogu horeeyey ee loo qabto Soomaalida ku nool Dalkan Iswiiska. Waxaana lagu qaban doonaa Gobolka Basel.

Daryeel Band ayaa sidoo kale 10.10.2015 Xaflad ku soo bandhigi gudaha Soomaaliya gaar ahaan Magaalada Madaxda Soomaaliya Muqdisho taas oo lagu weynayno muhiimada ay bulshada u leedahay Fanka iyo Suugaanta.

Fanaaniinta Daryeel Band waxa ay sanadka dambe 2016 qaban doonaan Munaasabado waaweyn oo ay ka mid yihiin Swiss Tour iyo Euro Tour taas oo la filayo in ay ka qayb galaan Soomaalida ugu badan ee dagan dalkaan Switzerland iyo Yurub.

Daryeel Band 2daryeel band 3Daryeel Band Hassan Dheere BaselFanaaniinta Basel Daryeel BandDaryeel Band 33Daryeel Band 1Daryeel Band 12

Somaliswiss.com

Somali Media in Switzerland

 

Comments

comments

2 thoughts on “Sawiro: Fanaaniin ku Bahoobay Daryeel Band dalkaan Switzerland

  1. abdure. abdi heelo

    wooooow nice pic sxbta qaaliga waa arin lagu farxo waan tageersannay hadaan nahay dhalinyaeada somaliyeed ee ki dhaqan swisska .
    wanan so dhawaynaynaa .
    waxaan rajay naynaa inay kor uso qadaan dhaqanki iyo hidihii qurbaha ki dhintay oo ay dib usoo nooleyaan . long life daryeel band

    Reply

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Top