Qarax khasaaro geystay Oo ka dhacay degmada Buulo-Burte

Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya qarax khasaaro geystay oo maanta ka dhacay gudaha degmada Buulo-Burte ee gobolka Hiiraan.Qaraxa oo ahaa mid xoogan ayaa waxa uu ka dhacay goob maqaaxi ah oo ay ku sugnaayeen dad shacab ah iyo Askar intaba.

Guddoomiyaha degmada Buulo-Burte Cabdi Daahir oo u warramay Shabelle ayaa ka warbixiyay Qaraxaasi.

Waxaana uu sheegay in qaraxa uu ku dhaawacmay 1 Askari oo ka tirsan Ciidamada Booliska ee degmadaasi.

Sidoo kale waxa uu tilmaamay in haatan ay wadaan baaritaano dheeraad ah oo ku aadan waxyaabaha uu ka dhashay qarxaasi.

Illaa iyo hadda ma jirto cid sheegatay masuuliyadda qaraxaasi, balse inta badan Al Shabaab  ayaa sheegtay qaraxyada ka dhaca halkaasi.

Xigsho: Radioshabelle.com

Comments

comments

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *