Munaasabadda Caleemo saarka Madaxweynaha oo maanta lagu qabanayo Muqdisho

Waxaa Magaalada Muqdisho ka soconeysa qaban qaabada Caleemo Saarka Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Saaka ayaa waxaa xanniban dhaq dhaqaaqyadii isku socodka Gaadiidka ee Waddooyinka Magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho.

Munaasabadaasi Caleemo saarka Madaxweynaha ayaa waxaa ka qeyb galaya Marti sharaf kala duwan oo ay ka mid yihiin Wufuud Heer Caalami ah.

Hadaba Caleemo saarka Madaxweyne Farmaajo kadib ayaa laga wada dhur sugi doonaa Magacaabista Ra’iisul Wasaarihiisa walow warar soo baxaya ay sheegayaan in suura gal ay tahay in ugu horreyn uu ambabaxo Dalka Sacuudi Arabia si halkaas uu ugu soo Cumreysto.

 

Source: Shabellenews

Comments

comments

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Top