Mareykanka oo ka digay Weerarada Burcad Badeeda Soomaaliyeed

Dowladda Mareykanka ayaa ka digtay in ay dib ay u soo xoogeystaan Weerarada ay geystaan Kooxaha Burcad Badeeda Soomaaliyeed.

Waxaa Mareykanka sidoo kale uu walaac xoogan ka muujinayaan dhaq dhaqaaqa Kooxahaasi Burcad Badeedka ah, waxaana uu sheegay in loo baahan yahay in laga feejignaado.

Andrew Havilan oo ah Mas’uul ka tirsan Safaarada Dowladda Mareykanka ee Dalka Ivory Coast, ayaa waxuu sheegay in Kooxdan ay fuliyeen 27 Weerar tan iyo bishii April.

Mas’uulkan oo soo xiganaya Hay’adda la socodka Biyaha Caalamka (IOM) ayaa waxuu sheegay in Kooxaha Burcad Badeedka Soomaaliyeed ay geysteen labo Weerar, qaarkoodna ay ka fashilmeen.

Magaalada Lome ee Caasimada Dalka Togo ayaa waxaa lagu wadaa in lagu qabto Shir ay ka qeyb gali doonaan in ka badan 40 Dowladood, oo kaasi oo looga hadlo doono ka hortaga khatarta Kooxaha Burcad Badeeda.

 

Source: Shabellenews

Comments

comments

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Top