Madxweynaha Galmudug oo booqday xarunta shirarka ee gudiga midaynta Ahlusuna iyo Galmudug

Madaxweynaha Dowlada Goboleedka Galmudug mudane Axmed Ducaalle Geelle Xaaf  ayaa maanta booqasho iyo kormeer ku tegay xarunta shirku uga socdo Gudiga isku  dhafka ah ee Galmudug iyo Ahlusunna, waxa aanu madaxweynuhu  gudiga ka dhegaystay warbixin ku saabsan shaqada ay ahayaan .

Madxweyne xaaf ayaa Gudiga ugu baaqay inay Dardargeliyaan shaqada iyo howlaha ay hayaan ee ah sidii loo midayn lahaa labada maamul ee Ahlusuna iyo Galmudug iyo sidii ay u socon lahayd shaqada maamulka galmudug oo ay caqabad ku tahay sidi loo midayn laha labada mamul.

sidoo kalena madaxweynaha  Waxaa uu sheegay in ay muhiim tahay in maamulka uu si toos ah u shaqo bilaabo, waxaana uu guddiga ugu baaqay in ay si caddaalad u qabtaan Shaqadda ay hayaan.

Ali suleiman

somaliswiss.com

Comments

comments

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *