Madaxweyne Maxamed Farmaajo oo Magacaabay Ra’iisulwasaare

War Goor dhow naga soo gaaray Xarunta Madaxtooyada ee Villa Soomaaliya ayaa xaqiijinaya in Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu u Magacaabay Ra’iisul Wasaarihiisa Xasan Cali Kheyre.

Madaxweynaha ayaa ku dhawaaqay Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ka hor inta uusan u Ambabixin Dalka Sacuudi Arabia.

Madaxweynaha ayaa ugu baqoolaya Dalka Sacuudiga si halkaas uu ugu soo Cumreysto uguna soo duceeyo Umadda Soomaaliyeed.

 

Source: Shabellenews

Comments

comments

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Top