Madaxweyne Gaas Oo fariin u diray golaha wakiilada P/land

Madaxweynaha Puntland C/weli Maxamed Cali Gaas oo la hadlayay Warbaahinta ayaa marka hore Hambalyo u diray xubnaha cusub ee guddoonka golaha wakiilada maamulkaasi oo shalay lagu doortay magaalada Garoowe ee xarunta gobolka Nugaal.Madaxweyne Gaas ayaa ka dalbaday guddoonka cusub in ay ka shaqeeyaan qabsoomida doorashada Madaxweyne ee Puntland.

Sidoo kale waxa uu intaasi ku daray in doorashadaasi la qaban doono 8 bishan oo ku beegan Taaladada soo socota.

In ka badan 20 Musharrax ayaa u taagan qabashada xilkaasi, kuwaas olole xoogan haatan ka wada deegaanada maamulkaasi.

 

Source: Radioshabelle.com

Comments

comments

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *