Madaxweyne farmaajo oo safar ugu baxaya dalka Qatar

Madaxweynaha Dowlada fedralka ah ee somaliya mudane maxamed cabdilaahi farmaajo iyo wefti balaadhan oo uu hogaaminayo ayaa manta la filayaa inuu safar ugu baxo magaalada Dooxa ee Xarunta Dalka Qatar waxaana lagu wadaa inuu halkaasi kulamo kula soo qaato Madaxda Qatar

weftiga uu hogaaminayo madaxweynaha somaliya ayaa waxa ka mid noqon doona masuuliyiin sare oo ka tirsan xukumada somaliya waxana ka mid ah xildhibaano, wasiiro,iyo sidoo kale masuuliyiin ka tirsan madxtooyada somaliya,balse lama oga sababta rasmiga ah ee ku aadan safarka madaxweynaha.

madaxweyne farmaajo ayaa dhowr jeer safar ku tegay dalka qatar ka dib markii ay godoomiyeen dalalka khaliijka carabtu,balse somaliya ayaa khilaafka dhex ka noqotay.

Ali suleiman

somaliswiss.com

Comments

comments

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *