Madaxweyne Farmaajo oo dhiibistii Qalbi Dhagax ku Tilmaamay sharci Daro

Mudane Maxamed C/llaahi Farmaajo Madaxweyne dowalad Fedralka ah ee somaliya ayaa markii ugu horaysay ka hadalay dhibistii muwadin somaliyeed oo ay Dowladu u gacan gelisay Itoobiya oo raadinaysy ninkaasi oo lagu magaacaabo Cabdikariin Sheekh Muuse Qalbi Dhagax

Madaxweyne Farmaajo oo jawaabayay  su’aalo  uu weydiiyey mid kamida dhagaystayaasha BBC-da markaasi oo uu marti ku ahaa barnaamij looga hadlayay sanad kadib doorashadiisii iyo wixii u qabsoomay iyo sidoo kale wixi u qabsoomi wayey.

Mid ka mid ah dhagaystayaasha ayaa madaxweynaha weeydiiyay waxa uu ka ogyahay dhiibistii Qalbi Dhagax, wuxuuna ku jawaabay “Su’aashaasi runtii waa su’aal muhiim ah, waxaan ognahay in baarlamaanka ay ku sameeyeen dood, ayna kasoo saareen warbixin, ayna u codeeyeen, maxaa yeelay iyagu waxaa weeye, waa hay’adda ugu saraysa ee sharci dajinta, markay codeeyeene waxay gaareen go’aan, waxaan aaminsanahay in go’aankaasi uu yahay kama dambeys”. sida waxa yidhi madaxweyne Farmaajo

Barlaamanka Dowlada fedralka ah ee somaliya ayaa arinta dood adag ka yeeshay waxanay ku tilmaameen sharci daro madaama oo anay dastuurka somaliya meelna kagag qornayn in qof  loo dhibo Dal kale,Dowladuna aanay wax heshiisa ah la gelin Dowlad kale oo ah in dadka laysu soo gacan geliyo.

www.somaliswiss.com

Ali suleiman

Comments

comments

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *