Madaxweyne Farmaajo oo Baaq u diray Dagaal yahanada Al shabab

 Mudane Maxamed C/laahi Farmaajo Madaxweynaha Dowlada fedralka  ah  ee somaliya  oo ka hadalayey munasibada sanad guurad ka soo wareegatay markii xilka madaxweynaha loo doortay ayaa sheegay in dhalin yarada Al shabaab ay weli haystaan fursad ah inay isu soo dhiibi karaan xukumada.

Madaxweyne Farmaajo ayaa markale ku celiyay in dhalinyarada ka bar-bar dhagaalanta Shabaab ay ka mid noqon karaan Dowladda Somaliya, ayna cafis u fidinayaan isla makaasina la siin doono Hoy iyo Nabad gelyo hadii ay isasoo dhiibaaan.

Dowlada somaliya ayaa hore ugu baaqday inay isa soo dhiibaan dagaal yahanad Al shabab fursadaasina waxa ka faaidaystay dhalin yaro iyo saraakiil badan oo ka tirsanaa shabaab isla markaasina  xukumada isu soo dhiibay.

Ali suleiman

somaliswiss.com

Comments

comments

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *