Madaxweynaha Hirshabeele oo la kulmay xildhibaanad laga soo dortay Deganad Hirshabele

Mudane Maxamed Cabdi Waare Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Soomaaliyeed ee Hirsahebeelle  ayaa magaalad Muqdisho kulan kula qaatay xildhibaanada labad gole barlamaan ee ka soo jeeda degaanad hirshabeel ee ku jira Dowlada dhexe ee fedarlka ah.

madaxweynaha iyo xildhibaanadu waxay ka wada hadaleen waxyaabo badan oo ay ka  mid yihiin adkaynta qaranimada somaliya iyo hawlaha horyaala maamulka Hirshabeele iyo  sidii laysaga kaashan lahaa  horumarka Hirshabeele.

Intii kulan ku socday xildhibaanadu iyo madaxweynuhu waxay iska waraysteen xalaada Amaan iyo mida bulsheed ee deganada hirshabeele iyo sidi ay xildhibaanada labad aqal ee laga soo doortay Degaanada Hirshabeele ay ugu midoobilahaayeen horuumarka iyo dhisida maamulka Hirshabeele iyo inay si dhow ula  shaqeyaan maamulka imika jira.]

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka  Hirshabelle Mudane Maxamed Cabdi Waare  ayaa Xildhibaannada u faah faahiyay muddada Xafiiska uu joogo waxyaabaha u qabsoomay caqabadaha jira, iyo qorshayaasha maamulka u degsan bilaha soo socda, wuxuuna ugu baaqay inay qaataan doorkood ku adaan wadashaqaynta shacabka ay ma talaan.

Dhanka kalena qaar ka mida Xildhibaannada labad Gole ee laga soo doorto degaand Hirshabeele ayaa u faah faahiyay Madaxweynaha Socdaal dhowaan  ku tageen degaanno ka tirsan Hiiraan , iyagoo sheegay inay muhiim tahay in la xoojiyo wada shaqeynta iyaga iyo Madaxweynaha Hirsahbeele.

www.somaliswiss.com

Ali suleiman

Comments

comments

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *