Madaxweeyne Xaaf iyo Sheekh Shaakir oo gaaray Gaalkacyo

Madaxwaynaynaha Galmudug, Axmed Ducaale Geelle [Xaaf] oo uu wehliyo madaxa xukuumadda Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan ayaa maanta oo Axad ah gaarey magaalada Galkacayo ee xarunta gobolka Mudug.

Ujeedka socdaalka madaxda ayaa waxaa lagu sheegay inay halkaasi kulan ay kula leeyihiin ergayga gaarka ah ee Qaramada Midoobay uqaabilsan arrimaha dalka Soomaaliya, mudane Nicholas Haysom.

Nicholas Haysom iyo masuuliyiinta Galmudug ayaa kawada hadli doona arrimo ku saabsan is-marin-waaga siyaasadeed ee maamulkaan la degay iyo khilaafka dowlad goboleedyadda iyo dowlada dhexe.

Wakiilka gaarka ah ee xoghyaha guud ee Jamciyadda qurumaha ka dhaxeyso ayaa horey ula soo kulmay hogaamiyaasha dowlad goboleedyadda qaarkood, isaga oo kala soo hadlay arrimahaani.

Maamulka Galmudug ayaa noqonaya midkii ugu dambeeyay oo uu Nicholas Haysom la kulmo madaxdiisa, waxaana la filayaa inuu aakhiritaanka socdaalkiisa caasimadaha maamulada uu kasoo saaro warbixin dhameystiran.

Xigsho: radioshabelle.com

Comments

comments

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *