Kooxo hubeysan oo 3 Qof ku dilay magaalada Muqdisho

 

Dabley hubeysan ayaa Duhurnimadii maanta ku dhawaad 3 Qof ku dilay xaafadda Mahad Alle degmada Yaaqshiid ee gobolka Banaadir.

Sedexda qof ee la dilay ayaa mid ka mid ah waxa uu ahaa Askari ka tirsanaa Ciidamada Dowladda, waxaana la sheegay in Qorigii ay ka qaatee Raggii ka dambeeyay dilkaasi.

Sidoo kale wararka aya aintaasi ku daray in labada Qof kale ee la dilay ay haleeshay rasaastii loo waday Askarigaasi.

Ilo deegaanka ayaa sheegay in kooxihii ka dambeeyay dilkaasi ay goobta isaga baxsadeen.

Mas’uuliyiin ka tirsan maamulka degmada Yaaqshid oo aan la xariirnay ayaa sheegay in ay wadaan baaritaano ku aadan dilalkaasi.

Waxaana goobta gaaray Ciidamo ka tirsan kuwa DFS oo haatan baaritaano ka wada halkaasi.

 

Source: Radioshabelle

Comments

comments

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *