Kenya oo la sheegay in lacago laaluush ah ay ku bixineyso Kiiska Badda.

Xildhibaan Bile Salaad Diini oo ka tirsan Baarlamaanka Maamulka Galmudug oo u warramayay Idaacadda Shabelle ee Magaalada Muqdisho ayaa sheegay in dowladda Kenya ay lacago fara badan ku bixisay Dacwadda Badda ee kala dhexeyso Soomaaliya.

Waxa uu tilmaamay Xildhibaanku in Dowladda Kenya lacag dhan 8-10 Million dollar  ay ku bixisay Kiiska Dacwadda Badda.

Sidoo kale Mudane Bile Salaad Diini ayaa hoosta ka xariiqay in marin Badeedkaan uu qani ku yahay Shidaalka , islamarkaana Kenya ay u hanqal taageyso in si fudud ay gacanta ugu dhigto.

Dowladda Kenya ayaa Dadaal xoogan ugu jirta sidii ay ugu guuleysan lahayd Arrimaha ku aadan Dacwaddaasi badda.

 

Source: Shabellenews

Comments

comments

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Top