Japan iyo Qaramada Midoobay oo Lacago ugu deeqaya Soomaaliya

Dowladda Japan iyo Hay’adda UNESCO oo Qaramada Midoobay u qaabilsan Hidaha Iyo Dhaqanka ayaa ku heshiiyay in lacag dhan 1 Million oo dollar lagu bixiyo mushruuc lagu xirfadeynayo macalimiinta islamarkaana lagu taageerayo Nabadda Dalal ay ku jirto Soomaaliya.

Heshiiskan ayaa si wadajirah waxaa u saxiiyay Safiirka Dowladda Japan u fadhiya Magaalada Adds Ababa ee Dalka Itoobiya, Shinichi Saida iyo Agaasimaha Hay’adda UNESCO ee Afrika, Dr. Yumiko Yokozeki.

Ugu dambeyn, Safiirka Dowladda Japan ayaa shaaca ka qaaday in mashruucan ay ka faa’ideysan doonaan Dalalka Somalia, Ethiopia, Eritrea, South Sudan, Kenya iyo Uganda.

 

Source: Shabellenews

Comments

comments

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Top