ISIS oo dishay 300 Yaziidiyin dalka Ciraaq

Dowladda Ciraaq ayaa sheegtay in ururka Daacish ay dileen ilaa 300 oo qof oo kasoo jeeda bulshada laga tiro badan yahay ee Yazidi kuwaas oo ay afduub u haysteen.

Madaxweyne kuxigeenka Ciraaq Osama Al-Nujaifi ayaa warbaahinta u sheegay in dadkan lagu laayey magaalada Mosul oo ay ka taliyaan mintidiinta ISIS jimcihi lasoo dhaafay.

Wuxuu si kulul u cambaareyey falkan oo uu ku tilmaamay mid naxariis darro ah.

Xisbiga ay ku midoobeen qowmiyada Yazidi ayaa sidoo kale xaqiijiyey falkan wuxushnimada ah inkastoo Daacish aysan ka hadlin.

Kooxda Daacish ayaa tan iyo sanadkii hore markii ay soo shaac baxday fuliyeen falal argagax leh.

 

Horseedmedia

Comments

comments

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *