Gudoomiyihii hore ee gobalk Hiiraan Oo Sheegay In Malaayiin Dollar Ay Lunsadeen Madaxda Hir-Shabeelle

Gudomiyihii hore ee gobalka Hiraan ee dhawaan xilka laga qaaday ayaa maamulka Hirshabeele ku edeyey in ay lunsadeen lacago malaayiin Dollar ah.

gudomiyihii gobalka hiiraan Cali jeyte Cismaan ayaa shaagay in aan wax xil ah laga qaadin balse lagala tegay Dhibaatooyin,wuxuna tilmaamay in gudoomiyaha gobalka hiiran ee rasmiga ah uu iman doon isla markaasina uu xilkaa ku warejin doono.

Dhanka kalenaa gudomiyihii hore ee gobalka hiraan ayaa sheegay in ay madaxda mamulka hirshabeele ay lunsaden lacag gaadhaysa 1,475,000 (hal milyan Afar boqol todobaatan iyo shan kun) oo dollar  wuxuna sheegay in akoonkii ay ku jirtay lagala baxay,islamarkaasina aaanay cadayn mashaariicda lacagtasi lagu fuliyey.

munaasibad balaadhan oo shalay lagu qaban lahaa magaalada Baladweyne  oo uu xilka kula wareegi lahaa gudomiyaha cusub ee gobalka hiiran ee dhawaan la soo magacaabay  mudane Cabdulaahi Axmed maalin ayaa baaqatay sababo la xidhiidha muranka ka dhashay lacagahan la sheegay in la lunsaday

Ali suleiman

somaliswiss.com

Comments

comments

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *