Gudomiye Jawaari oo sheegay in madaxweyuhu ka dalbaday in uu iscasilo

Gudomiyaha golaha shacabka Mudane maxamed sheekh Cismaan Jawaari oo galabta waraahinta kula hadalayey gudaha magaalada muqdisho faahfaahin ka bixiyey wadahadalkii uu madaxweynaha somaliya ka dhexwaday golaha shacabka.

wuxu gudomiyuhu sheegay in madaxweynuhu uu la kulmay isaga oo keliya balse aanu la kulmin garabkii kale oo ah xildhibano uu sheegay in Ra’iisul Wasaarahu uu gadaal ka riixayo taasina ay sababtay in wadahadalkii uu burburo.

Gudomiye jawaari ayaa sheegay in beri kulan ay yeelanyaa xildhibanada mooshinka wadaa ay ku kulmi doonan kulankaasin uu fasaxay madaxweyanah somaliya islamarkaasina uu dhinaca mooshinka wada la saftay, waxa kale oo uu intaa ku daray in Madaxweynaha uu ka dalbaday in isaga uu is casilo balse uu iska diiday.

ugu danbaybay gudomiye jawaari wuxu sheegay in masuuliyada iyo dhibka ka dhaca kulanka beri uu qadi doono madaxweynaha somaliya.

Ali suleiman

somaliswiss.com

 

Comments

comments

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *