Golaha wakilada somaliland ayaa ka soo horjeestay goaankii golaha shacabka ay shirkada Dp world Dalka kaga mamnuceen

Golaha wakiilada ee somaliland ayaa manta kalfadhi ay ku yesheen xaruntood magaalada hargeysa waxay kaga hadleen xeerkii maalinkii shalay ay soo sareen golaha shacabka ee Dowlada Fedralka ah ee somaliya kasi oo dalka laga mamnuucay sherkada Dp world ee laga leeyahay Dalka imaaradka carabta

Golaha wakilada somaliland ayaa kulan koodii ka soo saaray lix qodob oo ay kagag hadalayaan xiisada siyaasadeed ee ka dhex taagan somaliland iyo somaliya.

HOOS KA AKRISO Qodobadda kasoo baxay Baarlamaanka Somaliland.

  1. Golaha Wakiillada Somaliland ayaa cambaareeyay go’aanka uu shalay golaha shacabka ka soo saaray dekadda Berbera.

    Golaha wakiillada Somaliland ayaa ayiday maalgeshiga kheyraadka dabiiciga ah iyo kaabayaasha dhaqaalaha si loo xaqiijo kobac dhaqaale

    3. Golaha waxaa uu taageeray heshiiska heshiiska maalgeshiga Berbera.

    4. Golaha waxaa uu go’aamiyay in cid walba oo ka qeyb qaadata ama taageerta ama si uun gacan siisa xukuumadda Soomaaliya dhaq-dhaqaayada lidka ku ah jiritaanka iyo madaxbannaanida Somaliland loo aqoonsado cadaw qaran

    5. Golaha wuxuu ururka qaramada midoobey, midowga Afrika, Jaamacadda carabta, IGAD ka taageera horumarka iyo dimoqoraadiyadda u caddeynayaa in dhaq-dhaaqyada Soomaaliya ka waddo geeska Afrika kuwa keenni kara xasilooni darro .

    6. Golaha waxaa uu ku baaqay dhammaan muwaadiniinta Somaliland inay si buuxda isu garabtaagaan golayaasha qaranka iyo ciidamada dalka ilaalinta madaxbannaanida, sharafta iyo midnimada dad ahaaneed iyo dhul ahaaneed ee jamhuuriyadda Somaliland.

Ali suleiman

somaliswiss.com

Comments

comments

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *