Golaha shacabka ee somaliya oo Ansixiyey xeerka Dalka ka mamnuucaya sherkada Dp world

Golalaha shacabka ee somaliya ayaa maanta kalfadhigoodii  sadexaad oo ay maanta yesheen wax ay ku ansixiyeen xeer dhowraya  gobanimada iyo midnimada geyiga Soomaaliya.

kulankan ay yesheen xildhibaanadu ayaa waxa kalfadhiga soo xaadiray 170 xildhibaan waxana xeerkan u codeyey 168 xildhibaan halka hal xidhibaan uu diiday,hal xildhibaana uu ka aamusay,gudomiyuhuna aanu codayn. sidaasi waxa ku dhaqan galay xeerkan.

 

xeerkan oo ay ansixiyeen xildhibaanad barlamaanka somaliya ayaa ka kooban qodobo dhawr ah waxana shirkada Dp world ee la wareegtay gacan ku ahaynta dekada berbera ee laga leeyahay Dalka imaaradka carabta lagu eedeyey in si badheedh ah ugu xadgudubtay siyaasada,madaxbanaanida iyo midnimada somaliya waxana gebi aahaanba dalka laga mamnuucay shirkada Dp world.

Halkan ka akhriso Qodobada xeerka

Comments

comments

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *