Dowladda oo La Wareegtay Qalabka Lagu haagi laahaa hawada

Wasaaradda Gaadiidka Cirka iyo Dhulka ee Xukuumadda Federaalka  Soomaaliya ayaa la wareegtay qalabkii lagu hagi lahaa Hawada Soomaaliya.

Munaasabad kooban oo ka dhacday garoonka diyaaradaha Magaalada Muqdisho ee aadan Cadde waxaa qalabkaan  oo ay bixinaysay Hay’add laga leeyahay dalka Talyaaniga ku gudoomay Wasiirka Gaadiidka Cirka iyo dhulka Maxamed C/llaahi Oomaar iyon Maareeyaha Guud ee Hey’adda Saadaasha iyo Duulista Hawada Soomaaliya Yuusuf Cabdi Cabulle.

90 maalmood kaddib ayaa la filayaa inay Soomaaliya yeelato qalab casri ah oo lagu hago Hawada Soomaaliya iyo shaqaale tababaran oo ku shaqeyn doona xarunta dhexe ee Hey’adda Duulista iyo Saadaasha Hawada Soomaaliya ee Muqdisho, sida uu sheegay Wasiirka Gaadiidka Cirka iyo dhulka Maxamed C/llaahi Oomaar.

Dhanka kale Maareeyaha Hey’adda Duulista iyo Saadaasha Hawada Yuusuf Cabdi Cabdulle ayaa sheegay in dhowaan dowladdu si rasmi ah ula wareegi doonto Maamulka Hawada Soomaaliya, kaddib 20 sano ka badan oo ay gacanta ku heysay Hey’adda ICAO ee Qaramada Midoobey.

Wasiirka iyo maareeyaha ayaa muddooyinkii u dambeeyay dadaal ugu jira dhameystirka qorshaha ay dowladda Soomaaliya kula wareegeyso maamulka hawada Soomaaliya, oo laga hayay sanadihii dambe dalka Kenya.

Comments

comments

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Top