Dowlada Somalia oo amartay in dalka uu isaga baxo danjire Nicholas Haysom

War qoraal ah oo kasoo baxay wasaaradda arimaha dibadda xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa lagu sheegay in wixii xiligan ka dambeeya uusan dalka ka shaqeyn karin wakiilka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya danjire Nicholas Haysom.

Qoraalka ayaa lagu sheegay in Ambassodor Haysom uu jabiyay hab maamuuskii iyo dhaqankii diblomaasiyadeed ee xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya isla markaana aan xiligan dalka laga rabin Danjire Haysom.

Sidoo kale qoraalka ayaa lagu wargeliyay xafiiska xoghayaga guud ee Qaramada Midoobay, waxaana wasaaradda Arimaha Dibadda oo warkan soo saartay ay sheegtay in danjire Haysom uu si bareer ah u farageliyay madax banaanida dalka sidaas awgeedna dalka looga mamnuucay.

Go’aankan ay dowladda Federaalka Soomaaliya kaga mamnuucday in uu dalka kaga shaqeeyo wakiilkii xoghayaha Qaramada Midoobay u qaabilsanaa dalka ayaa noqonaya kii ugu adkaa ee ay dowlada ka qaadato masuul heer caalami.

Source: Horseedmedia.net

Comments

comments

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *