Dowlada Qatar oo si kulul uga hadashay Qaraxii ka dhacay magaalada Baraawe

Dowlada Qatar ayaa si kulul u cambaaraysay Qaraxii dhawaan ka dhacay Garoon Kubadda lagu ciyaaro oo ku yaalla Magaalada Baraawe ee Caasimadda maamulka Koonfur Galbeed.

Warqoraal ah oo ka soo baxay wasaarad arimaha Dibada ee dalka qatar  ayaa sheegtay in aay aad uga xun yihiin Rabshadaha ku salaysan gacan ka hadalka ee ay samaynayaan kooxaha argagixisad ah ee aanay jirin wax sabab ah oo ka danbaysa.

Dowlada Qatar ayaa sheegay in ay aad uga soo horjeedan in la beegsado Goobaha Dadweynaha iyo in la cabsi geliyo dad weynaha ,waxanay tacsi tiiraanyo leh u direen Dowlada somaliya iyo qoysaska Dadkii ku waxyeeloobay Qaraxaasi.

Dagaalamayaasha alshabab ayaa Qarax miino dhigay Garoon kubad cagta lagu ciyaaro oo ku yaala magalad Baraawe waxana halkasi ku dhintay 4 ruux halka tiro intaa ka badanin ay ku dhawacmeen.

Ali suleiman

Somaliswiss.com

Comments

comments

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *