dhegaysiga kiiska Dilka ah ee loo haysto Gashanle Sare C/nasir Xoosh oo bilowday

Maxkamada darajad Kowaad ee ciidamad qalabka sida ee somaliya ayaa maanta bilowday dhegaysiga Dacwada  ku saabsan dilkii loo geystay Taliye Ku xigeenkii hore ee ciidanka badda Soomaaliya Saciid Aadan Yuusuf (Siciid Mariino).

Dilka loo geystay Taliye ku xigeenka ayaa waxa loo haystaa  Gaashaanle Sare C/naasir Xoosh oo ka tirsan ciidamada Badda Soomaaliya laguna eedeyey inuu taliye ku xigeenka ku dhex toogatay xafiiskiisa 18kii bishii la soo dhaafay.

Kiiska dilka ah ee loo haysto Gaashaanle sare C/naasir Xoosh ayaa ka socota  xarunta maxkamada Darajad koowaad ee ay ku leedahay magaalada muqdisho waxanay ku soo beegmaysaa xil ay socoto munaasibada loogu debal degayo 53 guuradii ka soo wareegatat markii la aasasay ciidamada bada ee somaliya.

saraakiil sare oo ka tirsan ciidamad xooga dalka somaliyeed ayaa ku sugan xarunta maxkamada kuwaasi oo dhegaysanaya sida  ay u socoto maxkamadaynta eedaysanayaashu.

Ali suleiman

somaliswiss.com

Comments

comments

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *