Dhagayso: Xildhibaan Saciid Xeyd oo ka waraysanay Shirkii Davos ee Switzerland

Xildhibaaan Siciid Maxamed Maxamuud Xeyd oo ka mid ahaa Wafuudii Raysulwasaaare Xasan Cali Kheeyre ee ka qeyb galay Shirkii Caalamiga ah ee Dhaqaalaha ee oo ka dhacay Davos ayaan ka waraysananay muhiimada Shirkaas ee Soomaaliya.

Mudane Saciid Xeyd waxa uu sheegay in Soomaaliya is badal dhaqan dhaqaale ay samays mudadii sanadka ahayd taas oo keentay in Shirka lagu casuumo iyo waliba Raysulwasaare Kheeyre oo qaabilay Madaxa IMF intii uu socday Shirkii Davos.

Xildhibaan Saciid Xeyd ayaa sidoo kale u mahad caliyay Jaaliyada Soomaaliyeed ee ku dhaqan dalkaan Switzerland oo si diiran u soo dhaweeyay isaga iyo Wafdigii Raysulwasaare Kheeyre oo xalay la kulmay qaar ka mid ah Jaaliyada.

SomaliSwiss.com

SomaliSwiss Media in Switzerland

Comments

comments

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *