Dhagayso: Ignazio Cassis oo loo doortay Wasiir (Bundesrat) dalkaan Switzerland

Arbaco, 20.09.2017 

Baarlamanka Switzerland ayaa doortay Wasiir ama Bundesrat oo ah xubin sare oo ka mid noqnaya  Golaha Fulinta  dalkaan barkhanimadii Maanta oo Arbaca ah.

Bundesratka cusub  Ignazio Cassis waxaa la tartamay 2 xubnood oo kale kana tirsan  isla Xisbigiisa  FDP iyagoo  ku kala baxay  codeeyntii labadaad , Ignazio Cassis  oo ku guulaystay waxa uu halay 125 cod  Pierre Maudet 90 cod  iyo Isabelle Moret  28 cod.

56 jirkaan  Cassis oo ka mid ahaa Baarlamaanka (Nationalrat ) waxa uu noqonayaa ruuxii 8-aad  ee  ka mid noqda Bundesrat oo ka socda Gobolka Ticino ee ku hadlka Taliyaaniga doorashadiisa maanta waxaa loo sababeeyay  gobolkaas oo wax matalaad ah halin muda 18 sanadood ah.

Marka laga tago Xisbigiisa FDP waxa taageeray  Xisbiyada kale sida SVP iyo CVP oo ku dooday  in Gobolka Ticino 18 sanood uusan halin matalaad ka dib markii uu xilka iska casilay Flavio Cotti 1999 kaas oo ka soo jeday Gobolka Ticino.

Ignazio Cassis  ka dib doorashadiisa iyo dhaariintii waxa uu la kulmay Bundesratka isaga oo gacan qaaday Madaxweynaha kaltanka Marwo Doris Leuthard iyo dhamaan Xubnaha kale bundesratka oo ku soo dhaweeyay Aqalka looga taliyo dalkaan Switzerland.

 

Bundsesrat Ignazio Cassis   20.09.2017 

 

     Ignazio Cassis iyo musharixiintii kale ee la tartamaya Pierre Maudet , Isabelle Moret 

Ahmed Tooyo

tooyo@somaliswiss.com

Somaliswiss.com

Comments

comments

2 thoughts on “Dhagayso: Ignazio Cassis oo loo doortay Wasiir (Bundesrat) dalkaan Switzerland

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Top