Amisom iyo Al Shabaab oo ku dagaalamay gobolka Shabeelaha Dhexe

Dagaalkaan oo u dhexeeyay xarakada Al Shabaab iyo Ciidamada AMISOM gaar ahaan kuwa Burundi ayaa waxa uu ka dhacay Gobolka Shabeelaha Dhexe.

Al Shabaab ayaa barahooda Internetka ku sheegtay Masuuliyadda weerarkaasi ka dhacay Gobolka Shabeelaha Dhexe waxaana ay sheegeen in ay Khasaaro ku gaarsiiyeen Ciidamada Burundi.

Ma jiro wax war ah oo ay Ciidamada AMISOM ka soo saareen weerarkaasi , iyo shaeegashada Al Shabaab intaba.

Sidoo kale waxaa jira warar sheegaya in dad Rayid ah ay ku waxyeeloobeen dagaalkaasi ka dhacay Gobolka Shabeelaha Dhexe.

Inta badan Al Shabaab ayaa weeraro kala duwan kula qaada Gobolka Shabeelaha Dhex Kolonyada Ciidamada AMISOM ee isaga kala goosha Gobolkaasi.

 

Source: Shabellenews

Comments

comments

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Top