Ciidamada Badda Soomaaliyeed oo u dabaal degaya Sanad guuradooda 53-aad

magaalada Muqdisho ee casimada somaliya waxa ka socota munaasibad balaadhan oo lagu xusayo sanad guuradii ka soo wareegtay waqtigii la asaasay ciidamada bada iyo difaaca xeebaha somaliya oo ku beegan manta oo kale 53 sano ka hor  oo ahayd 10-02-1965.

 Taliyaha ciidanka xoog somaliyeed Sarreeye gaas C/wali Jaamac Gorod ayaa hambalyo u diray dhamanba ciidanka bada ee somaliya ,munaasibada lagu xusayo 53guuradii ka soo wareegtay asaaskii ciidamad bada oo ka socota magalada muqdisho ayaa waxa ka qayb gelaya , Wasiiro, Xildhibaano ka kala socda labada aqal ee Barlamaanka, Masuuliyiin oo ka tirsan Dowlada Fedraalka Soomaaliya, iyo Saakiish ciidamada qalabka sida ee Soomaaliyeed.

Ali suleiman

somaliswiss.com

Comments

comments

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *