Cabdullaahi Faarax Weheliye oo ku guuleystay doorasho ka dhacday dhuusamareeb

Wararka laga helayo magaalada Dhuusamareeb ee xarunta maamulka galmudug ayaa sheegay in la soo gabgebeyey doorshada ku kursigii ka banan golaha shacabka oo maanta la qabtay.

Kurisgan oo uu ka geeriyooday Alle haw naxriistee xildhibaan Bootaan Ciise Caalim ayaa waxa u tartamay sadex murashax oo kala ahaa Cabdulahi Faarax wehliye oo ah Wasiiru  dowlaha Wasaaradda Arrimaha Gudaha Xukuumadda fedraalka Soomaaliya,Maxamad Cilmi Afrax iyo Cabdullaahi Xersi.

Waxaana codadka ay u heleen sidaan:-

Cabdullaahi Faarax Weheliye 28  Cod

Maxamad Cilmi Afrax 17 Cod

Cabdullaahi Xersi 3  Cod

Iyo  3Cod oo xumaday

markii ay doorashadu dhamaatay waxa goobta natiijada doorashada kagag dhawaaqday gudoomiyaha gudiga doorashada madaxbanan ee Qaranka  Marwo Xaliimo Ismaaciil Xaliimo Yarey waxnay sheegtay doorashadani tahay tii ugu danbaysay ee kuraastii ka dhinayd golaha shacabka uu kuna guulaystay Wasiiru  dowlaha Wasaaradda Arrimaha Gudaha Xukuumadda fedraalka Soomaaliya isla markaasina uu ka mid noqoday mudanayaasha golaha shacabka.

Ali suleiman

somaliswiss.com

Comments

comments

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *