Al Shabaab oo la wareegay gacan ku heynta Ceelhuur ee Gobolka Mudug

Kooxda Mayalka Adag Al Shabaab ayaa la wareegay gacan ku haynta deegaanka Ceelhuur ee degmada Hobyo  koofurta Gobolka Mudug.

Qabsashada Deegaanka Ceelhuur ee Al Shabaab ayaa yimid ka dib markii dadkii deegaanka iska guuray xalay iyagoo u qaxay deegaanada ku teedsan Ceelhuur, Xinbarwaaqo iyo degmada Hobyo.

Dhaqdhaqaayada Ciidan oo iska soo horjooda ayaa ka jira labadii todobaad ee la soo dhaafay Koofurta Gobolka Mudug kuwaas oo ay iska soo horjeedaan Kooxda Al Shabaab iyo Ciidamada Dowlad Goboleedka Galmudug.

maamulka Galmudug waxa uu kal hore sheegay in ay ka hortagayaan dhaqdhaqaaqyo kooxda Al Shabaab ka wadaa Koofurta Gobolka Mudug ayagoo taas ka jawaabaya ay ciidamo dheeraad ah geeyaan deegaanada Camaara iyo degmada Hobyo oo oo dhaca Koofurta Gobolka Mudug.

Somaliswiss.com

 

Comments

comments

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Top