3, 400 oo Tahriibayaal ah ayaa laga soo badbaadiyey xeebaha Libya

Dad ka badan 3,400 oo tahriib ku socdey ayaa laga badbaadiyey xeebaha dalka Libya, maalin gudaheed, taas oo ay ka qayb-qaateen ciidamada Badda ee Midowga Yurub.

24-tii saac ee la soo dhaafey ayaa hawlaglo ay qaadeen Maraakiibta dalalka UK, Talyaaniga, Ireland iyo Jarmalku ay ku soo badbaadiyeen kumaankunka qof, waxaana hawlgalkan ka qaybqaatey Shirkad si gaar ah loo lee yahay oo la yiraahdo Migrant Offshore Aid Station

Tahriibayaasha ayaa watey doonyo ka badan 14, waxaana markiiba ka warheley ciidamada ka hortaga Tahriibta, kuwaas oo ku celiyey xeebaha Libya.

Waa markii u horeysey ee hawlgalka ka hortagga tahriibta ee Midowgu Yurub ay ku guuleystaan in ay ka hortagaan tiro intaan le’eg isla markaana badbaadiyaan oo badda ka saaraan.

Comments

comments

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *